Shuruudaha Musharaxiinta u Tartamaya Afhayeenka Barlamaanka Galmudug

Published: January 15, 2020

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo Xildhibaanada u tartamaya kuraasta Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiga ayaa soo bandhigay illaa siddeed shuruud oo ay ka mid yihiin in musharaxa uu haysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma, isla markaana uu bixiyo musharaxa u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug lacag dhan toban kun oo dollar, halka Guddoomiye ku-xigeenka uu bixinayo shan kun dollar oo aan celis lahayn.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *