Somaliland:6 Nin oo Dil toogasho ah lagu fuliyay

Published: January 15, 2020

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa qoraal ka soo saaray lix nin oo tootasho lagu fuliyay iyo falalkii ay gaysteen.Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in lixdan nin loo qisaasay dilal ay hore u gaysteen.

Dilka toogashada ee qisaasta ayaa ka dhacay meel fagaare ah oo ka soo horjeeda Xabsiga Mandheera

“iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan. 

2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *