Khabiir AL-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Oo Lagu Dilay Shabeelaha hoose

Published: January 16, 2020

Ciidamadda Kumaandooska Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka AL-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Cismaan Xuseen Buluush.

horjoogahani ayaa markii uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47  islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa horjoogahaani , balse dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska ee Danab


horgahaani ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay Duqeeyn kadhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle/ISmaaciil Cabdi Maalik.

horjoogahaani howlgalka lagu dilay ayaa horay u laayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo umaleegay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *