Madaxweynaha Jubaland oo Boosaaso kusoo wajahan.

Published: January 16, 2020

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, Socdaalka madaxweynaha Jubaland ayaan la ogayn waxa uu salka ku hayo, Balse Horseed Media ayaa ogaatay in labada madaxweyne ay ka wadda hadli doonaan sidii tashi ay uga yeelan lahaayeen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida loo wajihi karo doorashada soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021.

Magaalada Boosaaso saaka waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhawaynta Madaxweynaha Jubaland, waxaana la filayaa in garoonka ay kusoo dhawayn doonaan Madaxweynaha Puntland iyo labada gole ee dawlada.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *