Madaxweyne Deni oo Axmed Madoobe Ku Soo Dhaweeyay Bosaso

Published: January 16, 2020

Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed islaam iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaaladda Bosaso ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha oo weheliyaan qaar ka mid ah gollihiisa wasiirada waxaa garoonka diyaaradaha Bosaso ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro shir saddex geesood ah oo dhexmari doonaa madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf

Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo Amniga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *