Madaxweyne Deni oo Cafis U Fidiyay Odoyaal Ku Xirnaa Xabsiga Bosaso

Published: January 16, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyay odoyaal ku xirnaa xabsiga dhexe ee Bosaso, kuwasoo Maxkamadi xukun ku riday bishii hore.

Xubnahan oo isugu jira Siyaasiyiin iyo odoyaal dhaqameed ayaa la xirxiray ka dib markii ay dhaliileen heshiisyo dowladda Puntland la gashay shirkado dalka Imaraadka laga leeyahay.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu cafiyay markii uu eegay Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda.

Xubnahana ayaa kala ah:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe

1.3. Cawad Ceel Maxamed

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed

1.5. Maxamuud Aadan Rooble

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu cafis u fidiyay 23 dhalinyaro ah oo Ciidamada Booliisku ay ka soo qabteen guri ku yaal magaaladda Bosaso. Dhalinyarada ayaa lagu soo eedeeyay inay falal amni darro ah ka samayn lahaayeen Magaaladda, hase yeeshee iyagoon maxkamad la soo taagin ayaa la sii daayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *