Murasharax Weheliye oo iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha

Published: January 16, 2020

Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa warbaahinta u sheegay inuu iska casilay xilka uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Sababta uu isku casilay Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayuu Ku sheegay in ay tahay sidii uu kaga qeyb gali lahaa doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Weheliya oo maalmo hakor shaaciyay musharaxnimadiisa ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Dhamaan Xukumada Soomaaliya wadashaqayntii dhexmartay sadexdii sanno ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub ee la soo xulay Jimcihii tegay.

Mr Wehliye oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulkan ayaa sheegay in xildhibaanada loogu hanjabay in xubinnimada baarlamaanka lagala noqonayo hadii ay xiriir toos ah ama xitaa Sallaaamaan musharixiinta aysan wadan Xukuumada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrmaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Somaliya, Cabdullaahi Wehliye Faarax oo galaangal muuqdo ku lahaa dib u heshiisiintii Xukumada iyo Ahlusunnada Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo fara-gelinta lagu hayo dhismaha Galmudug.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *