Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka Gal-mudug u tartamaysa oo la shaaciyay.

Published: January 16, 2020

Gudigga doorashooyinka Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa dhamaystiray diiwaan gelinta musharxiinta u tartamaysa Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo lagu waddo in ay dhacdo maalinka jimcaha.

Musharaxiinta la diiwaan-geliyay ayaa tiro ahaan gaaraya 7 musharax kuwaas oo ku tartamaya Gudoomiyaha, Ku xigeenka 1aad iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha, Saddex kamid ah musharrixiintaasi oo lagu kala magacaabo; Xil. Cabdullaahi Axmed Calasow, Xil. Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Xil. Maxamed Nuur Gacal ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha Wakiilada Galmudug.

Qaar ka mid ah Musharxiinta u tartamaya Madaxweynaha Galmudug oo shalay shir qabtay ayaa walaac ka muujiyay qabashada doorashada gudoonka Baarlamaanka ee lagu beegay maalinka Jimcaha, Sidoo kale waxay codsadeen in xildhibaanada la siiyo kaararkii aqoonsigga.

Musharaxiinta u tartamaya gudoonka Baarlamaanka ayaa lagu waddaa in ay maanta khudbadohooda ka jeediyaan golaha baarlamaanka hortiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *