Sucuudiga oo xiray dad si sharci darro ah uga ganacsanayay Harmacadka

Published: January 16, 2020

Saraakiisha ammaanka dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay xireen tiro dad ah oo lagu eedeeyay in xayawaanka Harmacadka ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen isla markaasna ay u dhoofinayeen dalkaas.

Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay wadeen ka ganacsiga xayawaanada duurjoogta gaar ahaan Harmacadka.

Warbaahinta gudaha ee Sucuudiga ayaa ku warrantay in raggan safrinayay Harmacadka ay kasoo tallaabeen xadka uu dalkaas uu la wadaago Yemen.

Saraakiisha ammaanka waxay qabteen raggan xilli ay jawaanno kusoo dhex qariyeen Harmacadka, kaddib waxay saraakiisha fureen jawaannada, waxay ku arkeen Harmacadka.

Qaar kamid ah xayaawanada duur joogta ayaa laga safriyaa dalalka bariga Afrika si looga iibiyo dalal ku yaal khaliijka halkaas oo lagu xannaaneysto.

Dadka u doodo ilaalinta duur joogta ayaa sheegay in badan oo kam id ah xayaawanada duur joogta la safriyo ay dhexda ku dhintaan isla markaasna waxay ka digeen in ganacsigan sharci darrada ah uu halis ku hayo Haramacadka ku nool dalalka sida Soomaaliya iyo Itoobiya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *