Xildhibaannada Galmudug oo dhageysanaya khudbadaha musharixiinta guddoonka baarlamaanka

Published: January 16, 2020

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood ayaa shalay isdiiwaangeliyey, iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda.

Saddex musharax ayaa waxaa ay u taagan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka,kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu kamid yihiin Faadumo Cabdi Faandhe iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Maalinta Berrito ah oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *