Maraykanka oo Duqayn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Published: January 17, 2020

Ugu yaraan Labo xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday nawaaxiga magaalada Kunyo Barrow ee Gobolka Shabeellda Hoose.

Bayaan kasoo baxay howl-galka Africom ayaa lagu sheegay in duqaynta Diyaaradahooda oo kaabaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka geysteen Khamiistii Todobaadkan Nawaaxiga Kuunyo Barowe halkaas oo ay ku dileen Labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka africom waxaa lagu sheegay inay qiimaynayaan xaalada goobta ay duqaynta ka dhacday Hase yeeshee ayan jirin dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Dadka rayidka ah duqayntaas.

Diyaaradaha maraynkanka ee duuliyaha lahayn ayaa weerar dhinac cirka ah waxay ku ugaarsadaan xubnaha sarsare ee kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee degaanada koonfurta Somaliya iyo Buuraha Galgala ee Puntland.

HORSEEDEDMIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *