Deni: Dastuurka Federaalka Ayaa Ogol in Labo Maamul Iskaashi Samaystaan -DAAWO

Published: January 18, 2020

Magaaladda Bosaso waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo shirka iskaashiga Maamulada Puntland iyo Jubbaland sida uu sheegay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha oo shalay qado sharaf ugu sameeyay weftiga Jubbland ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe goobta loo dalxiis tago ee Biyo waxa uu sheegay in shirka iskaashiga uu ku saabsan yahay in labada maamul ay ka wada hadlaan danaha u gaarka ah labada maamul iyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.

” qodobada 51.52 iyo 53 ee dastuurka Federaalka wuxuu jidaynayaa in labo maamul ay yeelan karaan iskaashi danahooda kaga hadlayaa , weliba waa la xadiday danno amni, dhaqaale iyo arrimaha kale” ayuu yiir Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Wuxuu Sheegay in xukuumadiisu ay hore u soo saartay mowqifka ay ka taagan tahay Sharciyada doorashooyinka iyo Batroolke ee barlamaanka dowlada Federaalku uu ansixiyay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *