Dowladda Federaalka oo Sheegtay inay Dishay Tiradii ugu Badnayd ee Alshabaab

Published: January 18, 2020

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Janaraal Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay dileen 16 ka tirsanaa Al-shabaab ku dhawaad 30 kalane ay dhaawaceen kuwaas oo iskugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ka hortageeen weerar argagaxisada ay dooneysay in ay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Khaarijiyay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa argagaxisada Al-shabaab kuwaas oo  isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan deegaanka Xaaji cali oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Janaraal Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii isku dayay in ay dhibaateeyaan shacabka ay carareen deegaanada Geelgub iyo Masjidka cali gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe, isagoo tilmaamay in ay qorsheynayaan howlgallo argagaxisada looga xureynayo deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle, waa siduu hadalka u dhigaye.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *