Haweeneyda Africa ugu taajirsan oo dooneysa inay madaxweyne noqoto

Published: January 18, 2020

Isabel dos Santos, oo ah haweeney u dhalatay dalka Angola, ahna haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Africa ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay u tartanto xilka madaxweynenimo ee dalka Angola.

Haweeneydan oo hataan loo heysto fadeexo musuq-maasuq ayaa waxaa dhalay madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, kaas oo Angola xukumayay 38 sano.

Xafiiska dacwad oogaha dalkaas ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan lacag dhan 1 Bilyan oo doolar oo ay shegeen in ay doonayaan inay kala soo wareegaan haweeneydaas, lacagtaas oo Dowladda Angola sheegtay in laga dhacay dowladda, haseyeeshee eedeymahaas waa ay beenisay Isabel.

Ms Dos Santos, oo da’deedu tahay 46 sano jir ayaa waxay kamid tahay haweenka ugu taajirsan dunida, waxaana wargeyska the Forbes uu hantideeda ku qiimeeyay lacag dhan 2.2 Bilyan oo doolar, taas oo ka dhigan in ay tahay haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Africa.

Sanadkii 2016-ka, aabaheed oo xilligaas xilka hayay ayaa waxaa uu u magacaabay madaxa shirkadda shidaalka ee Angola, waxaana ka dhashay buuq badan.

Balse shaqadaasi waxaa sanadkii 2017-ka ka qaaday Joao Lourenço oo ahaa ninkii badelay aabaheed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *