Khayre oo Hakiyay Mashruuc 112 Milyan Ku baxayo oo Lagu Dhisayay Afar Magaalo

Published: January 18, 2020

Amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka howlaha guud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ay maanta si wadajir ah u wada saxiixdeen heshiis ku kacayo 112 Milyan oo lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Hargaysa

Lacagta ku baxaysa Mashruucan waxaa bixinaya Bangiga adduunka, waxaana magaaladda kasta loo qoondeeyay lacag dhan 9 Milyan oo dollar, halka inta soo hartayna uu qorshuhu uu ahaa in loogu qaybiyo Baaxada iyo tirada dadka ku nool magaalooyinka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *