Ninka ugu gaaban Dunida oo geeriyooday

Published: January 18, 2020

Ninka ugu gaaban dunida ee socda, sida laga soo xigtay diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records (GWR), ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Nepal isagoo jira 27 sano.

Khagendra Thapa Magar, oo ka soo jeeda degmada Baglung ee dalka Nepal, ayaa cabiirka dhererkiisa uu yahay 67.08cm (2ft 2.41in).

Walaalkiis ayaa shalay sheegay in ninkan uu u dhintay pneumonia.

GWR ayaa ammaanay Mr Magar, iyagoo yiri “Gaabnidiisa kama aysan hor istaagin inuu noloshiisa ku raaxeysto”.

Mr Magar ayaa sanadkii 2010-kii oo uu 18 jir ahaa loo aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida, kaddib xaflad dhalashadiisa loo dhigay oo ay ka qeyb galeen dadka deegaanka iyo wufuud kale oo caalami ah.

“Iskuma maleeyo nin yar. Waxaan ahay nin weyn. Waxaan rajeynayaa in xilkan uu ii suurtogelin doono inaan taas xaqiijiyo oo aan guri fiican u helo nafteyda iyo qoyskeygaba,” ayuu yiri xilligaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *