Wasiir Bayle oo sheegay in dib loo bilaabi doono mashruucii Horumarinta Degmooyinka ee la hakiyay.

Published: January 19, 2020

Dr cabdiraxmaan Ducaale Bayle asiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa goordhaweyd sheegey in dhawaan ay shir isugu imanayaan dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si buu yidhi, dib loogu bilaabo mashruuca horumarinta magaalooyinka Soomaaliya oo shalay uu xayiray ra’iisal wasaare Kheyre.

Wasiir Beyle, wuxuu sheegey in cabasho timi darteed loo hakiyey, isla markaasna dib-u-hubin lagu sameynayo. wuxuu intaas ku daray, in mashruucu uu ku filanyahay dhammaan dowlad-goboleedyada dalka, looguna talo galay dhammaan.

Maalin ka hor ayay ahayd markii raisal wasaaraha DFS uu hakiyay mashruuc la rabay in lagu hormariyay qaar ka mid ah dawladaha hoose ee Maamul goboleedyadda.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *