Heshiis Lagu Gaaray Shirka Arrimaha Liibiya ee Berlin

Published: January 20, 2020

Shir Caalami ah ka dhacay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa hoggaamiyayaasha Caalamku waxay ku heshiiyeen in la joojiyo saameynta iyo faregelinta ay Liibiya ku hayaan dalal dhowr ah, islamarkaana la xaliyo colaada wadankaas

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo xoghayaha qaramada Midoobay Antonia Guterras oo si wadajir shir jaraa’id u wada qabtay ayaa sheegay in lagu heshiiyay in aan awood milateri loo adeegsan xalinta colaada wadanka Liibiya, degdegna loo bilaabo wadahadalada arrimaha siyaasada ee kooxaha isku haya talada wadankaasi

” Waxaanu ku heshiinay qorshe dhinacyada dhan isku waafaqsan yihiin oo lagu taageerayo xabad joojinta Liibiya” Sidaas waxaa tiri Hoggaamiyaha Jarmalka

Shirka Barlaamiin waxaa ka qaybgalay Hoggaamiyayaasha Wadanka Turkiga, Ruushka, Masar, France, Uk, Talyaaniga, Maraykanka iyo madaxweynaha Midowga Yurub waxaa kaloo wakiil u so dirsaday wadamada Imaraadka, Aljeria Chine, Congo iyo Midowga Afrika

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *