Jadwalka doorashada madaxda Galmudug oo lagu dhawaaqayo

Published: January 20, 2020

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee shalay lagu dhawaaqay ayaa maanta oo Isniin ah waxaa ay yeelanayaan kulankoodii ugu horeeyey, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan jadwalka doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Guddigaan oo ka kooban 13 Xubnood ayaa laga soo xuley xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug, waxaana ka hor ku dhawaaqista jadwalka ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoomiye, ku-xigeen iyo xogheyn.

Xubnaha guddiga Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa wada kulamadii ugu dambeeyey oo ay ku dooranayaan doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn si loo shaaciyo jadwalka doorashada.

Inta badan musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo maalin ka hor la kulmay guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen habka ay u socoto doorashada,iyaga oo dalbadey in in waqti la siiyo, si ay u ololeeyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *