Kulan looga hadaaleyay sidii loo furi lahaa wadooyinka Shabaabku Go'doomiyeen oo Lagu Qabtay Beledweyne

Published: January 20, 2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle, maamulka degmada Buule Burde  ee gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada,‘kuwa AMISOM  iyo odayaasha Dhaqanka ayaa yeshay kulan xasaasi ah oo loga hadlayay dhinaca Aminga

kulankaasi oo  mid diidarada lagu saaray sidi la isugu furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale,kuwaas oo shegay in degmada Buulo burde ay kamid tahay degmoyinka ugu amniga wanagsan gobalka Hiiraan islamarkana ay Furi donaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab

Taliyaha Ururka 41-aad Guutada 5aad  Qeybta 27aad Dhama cabdulqaadir cali Nuur  ayaa dhankisa shegay in AL-shabaab laga saari doono Degaannada Hoos yimaada Degmada Buule Burde ee gobalka hiraan si go’doonka  looga qaado waxa una madaxda Dowladda ugu baaqay in la qalabeeyo Kooxda Macawiisleyda oo dagaalka kula jira AL-shabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *