Maamulka Degmada Marka oo ka hadlay dagaal dhex-maray ciidamada Dawlada iyo Alshabaab.

Published: January 20, 2020

Guddoomiyaha degmada Marka C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaal dhex-maray Ciidamada Dawlada iyo Ururka Alshabaab. Gudoomiye Waafow waxa uu xusay in ay ka warhayeen weerarka ay Alshabaab soo qaadayso.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ciidamada Dawladu ay isu diyaariyeen, ka dib markii ay xogaha la soo wadaageen Shacabku.

” Meel 8KM u jirta Marka ayay weerar ka soo qaadeen, galabtii ayaa la ogaa, xogtooda waa heynay, dadka deegaanka ayaa farrimahooda na soo gaarsiiyay, waana loo diyaar garoobay, markii ay wax soo tuur tuureen ayaa ciidamada u jawaabeen, waana la iska caabiyay”ayuu yiri Waafow oo warbaahinta la hadlay.

Ugu danbayn gudoomiyuhu waxa uu xusay in dawladu ay ka adkaatay kooxihii weerarka soo qaaday, ma faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *