Taliska Ciidanka Danab oo Sheegay in 12 Alshabaab Ku Dileen Jubbada Hoose

Published: January 20, 2020

Taliska Ciidanka xoogga ee Danab ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgaladii ay dhawanahan  Ciidamada Dowladda soomaaliya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.

Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalka inta uu socday ay soo saareen  9 Miinooyinka dhulka lagu aasey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *