USA: 60 Jir Askar Ku laayay Maraykanka kadibna Isgubay

Published: January 20, 2020

Booliiska Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in nin hubaysan uu toogasho ku dilay labo askari oo booliiska ka tirsan, islamarkaana dab uu qabad siiyay 7 guri,

Ninkan oo lagu magacaabo Jaroslav “Jerry” Hanel oo da’diisu ahayd 60 Jir ayaa isgubay ka dib markii uu toogtay askarta, islamarkaana uu dhaawac gaarsiiyay haweenay kale sida uu sheegay Taliyaha booliiska Honolulu Susan Ballard.

Booliisku waxay sheegeen inay aamisan yihiin in labo haween oo kale ay ku geeriyoodeen guriga uu isku gubay ninka toogasho gaystay. dabkaas oo sidoo kale qabsaday 7 Guri oo kale.

Toogashada ka dhacay Hawaii ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta ay dalkaasi Maraykanka ka dhacayaan Banaanbaxyo lagu taageerayo Haysashada hubka ee shacabka Maraykanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *