Kenya: Soomaali Looga shakiyay Argagixisnimo oo Maxkada La Horgeeyay

Published: January 21, 2020

Maxkamada ku taal magaaladda Nairobi ayaa la horgeeyay 5 qof oo looga shakiyay inay diyaarinayeen weerar argagixiso o ay ka fuliyaan gudaha magaalada Nairobi.

Shantan qof oo lagu qabtay magaaladda Nairobi ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabaas Maxamed oo haysta dhalashada Maraykan, Maxamed Xasan Bari, Hodan Cabdi Ismaaciil, Ifraax Maxamed Abshir iyo Maxamed Aadan oo ahaa dirawalkoodii una dhashay wadanka Kenay.

Booliisku waxay sheegeen in dadkan lagu qabtay lacago kale duwan, computer-ka laptop ah iyo waliba kaarka ay isticmaallaan ilaalada safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Maxkamada ayaa ogolaatay in 15 Maalmood lagu hayo xabsiga si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *