Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Hirshabeele oo la xaliyay.

Published: January 21, 2020
Madaxda Hirshabeele

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa kulan casho sharaf ah oo lagu xalinayo khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha Hirshabeele iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ku qabtay Hoygiis Magaalada Muqdisho, Masuuliyiinta ayaa sawir ay soo galeen oo lagu baahiyay baraha bulshada waxa uu muuujinayaa iyagga oo gacma is haysta kana heshiiyay khilaafkii ka dhex-jiray.

Mudooyinkii danbe waxaa soo if-baxayay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeele kaas oo ay wadeen xildhibaano taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudada xil haynta masuuliyiinta hirshabeele ayaa waxaa ka dhiman mudo 8 bilood.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *