Malaysiya oo Dib U Celinaysa 150 Kunteenar oo Qashin Laga Keenay Wadamada Qaniga ah

Published: January 21, 2020

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay inay dib ugu celinayso 13 dal oo kuwa qaniga ah 150 Kunteenar oo lagu soo cabeeyay Haraaga qashinka balaastika ah.

Wasiirka degaanka ee Wadanka Malaysiya Yeo Bee Yin oo booqday bakhaaro lagu hayo qashinka laga keeno dibada waxaa uu sheegay in dalkiisu ahayn goob qashinka lagu soo daadiyo, waxaana uu digniin u diray kooxaha soo dhoofiya ama sida qarsoodiga dib ugu warshadeeya qashinka laga keeno wadamada qaniga ah.

Wuxuu sheegay in 110 kunteenar oo kale oo ay ku jiraan qashinka warshadaha dib loogu celin doonaa bartamaha sanadkan 2020ka. Qashinkan ayaa laga keenay wadamadan:

  1. Faransiiska -43 Kunteenar
  2. UK -42 Kunteenar
  3. USA- 17 Kunteenar
  4. Canada -11 Kunteenar
  5. Spain- 10 Konteenar.

Dalalka Hong Kong, Japan, Singapore, Portugal, China, Bangladesh, Sri Lanka and Lithuania ayuu wasiirku sheegay in qaybta dhiman dib loogu dhoofin doona.

Dalka Malaysiya waxaa ku yaal 200 Warshadood oo dib loogu farsameeyo qashinka balastiika ee laga keeno wadamada warshadaha ku hormaray ee caalamka.

Wadamada reer Galbeedka iyo dalal kale ee qaniga ah ayaa dhibaato waxay ka haystaa halkii ay gayn lahaayeen qashinka Balaastika iyo qashinka haraaga cusbitaalada ka dib markii wadanka shiinuhu uu joojiyay inuu dalkiisa loo dhoofiyo Qashinka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *