Alshabaab oo iska fogaysay in Fanaan Abshir Gaarne uu ka tirsanaa.

Published: January 22, 2020

Ururka Alshabaab ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay in Fanaanka Abshir Gaarne Axmed uu ka tirsanaa ururkooda, warbaahinta ku hadashada afkooda ayaa tebisay in Gaarane marnaba uusan xubin ka noqon ururkaas sida uu sheegay sarkaal magaciisa la qariyay.

Alshabaab waxay DFS ku eedaysay in ay marar badan qabteen sidoo kalena xukuno ku fuliyeen dad rayid ah oo aan ka tirsanayn “Sirdoonka Soomaaliya waxaa ay caadeysatay inay been faafiso,waxaana ka mid ah beenta ay faafisay in dhowaan qaraxii ka dhacay ex koontarool Afgooye ay dal shisheeye uu ka dambeeyay dal shisheeye” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab.

Hay’ada Nabad-Sugidda NISA ayaa dhawaan baahaisay muuqaal kooban kaas oo fanaanka Abshir Gaarane Axmed uu ku qiranayay in uu ka tirsanaa ururka Alshabaab, Gaarne ayaa sheegay in 2013 uu kusoo biiray dhanka maaliyada iyo macluumaad bixintana kala shaqaynayay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *