Madaxweyne Farmaajo oo Codsaday In Dib u Eegis Lagu Sameeyo Cunaqabataynta Hubka ee Saaran Somaliya

Published: January 22, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa codsaday in dib-u-eegis lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta Hubka ee Saaran Soomaliya

Madaxweynuhu wuxuu la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2919149488151691/

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dul istaagay dadaallada Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *