Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Sagaal dowladood

Published: January 22, 2020

Wasiirrada Shaqada ee dalalka Soomaaliya ,Burundi, Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Ugaandha ayaa Magaalada Nairobi ku saxiixay qorshe howleed la jaan qaadaya siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka, kaddib kullan labo maalmood socday oo looga hadlay Siyaasadaha Socdaalka Shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa markii uu shirka soo dhammaaday saxiixay war-murtiyeed wadajir ah oo bilow u ah ” Hab-raaca Nairobi’ si loo meel mariyo siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka.

Wasiir Sadiiq Warfaa oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madax ka qeyb gashay kulankii looga hadlayay Siyaasada Shaqaalaha Gobolka Geeska Afrika.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *