Dowladda Maraykanka oo magdhow siisay dhalinyaro Soomaaliyeed

Published: January 23, 2020

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen ayaa sheegay in heshiis laga gaaray dhacdadii ay Boliska magaalladaasi sida kediska ah ugu jeebadeeyaan 4 dhallinyaro Soomaali ah sannadkii 2018-kii.

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen waxa uu sheegay inay Boliska magaalladda Minneapolis la gaareen Heshiis ay magdhow kaga bixinayaan Tacadiga iyo Cabsi-gelinta loo geystay dhallinyarada Soomaalida ee Toban jirayaasha ah.

Waxa uu xusay inay labada dhinac isla gaareen inay Boliska Minneapolis inay bixiyaan 170,000 oo Dollar oo si siman loogu qeybinayo Qoyska afarta wiil ee dhibanayaasha ah.

Jaylaani Xuseen iyo Hooyada dhashay dhallinyaradaasi oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Minneapolis waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay qirteen inay dhacdadaasi ka dambeeyey, kana bixinayaan magdhow iyo Raalli-gelin.

Hooyada ayaa wasaarada Cadaallada dalkaasi iyo Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ku amaantay doorka ay ka qaateen Xalinta arintaan.

Dhallinyaradaasi oo walaalo ah, da’doodana u dhexeeyso 13 ilaa 16-jir ah ayaa waxaa katiinad ku jeebadeeyey Saraakiil Bolis oo ka tirsan Booliska ku shaqada leh Goobaha Barxadaha iyo Jardiinooyinka ee magaalladda Minneapolis.

Shilkaasi oo ka dhacay Barxadda jardiin Gobaleedka ee Minnehaha Regional Park bishii July 10-dii ee sanadkii 2018-kii,  iyadoo mid ka mid ah Saraakiisha Boliska uu qorigiisa ku cabsi-geliyey dhallinyaradaasi oo gacmaha laga katiinadeeyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Amaan iyo bogadin jelalani,hadi dadku is kashado oo is amino waxa la heli kara horumar dhan kasto ah,taas waxa ka markhati ah shaqada hufan oo uu qabtay jelani ninka la dhoho arinta ka dhacday wadanka mareykanka magalada minisooto,wilasha somaliyed oo askartu ku xadgudubtay in xaqoda lo sodhiciyo waxay kutimid is xilqan iyo isku tirsani, taas ayana loga bahan yahay bulshada somalida oo meelkasta adunka kaga dayacan.