Golaha wasiirada DFS oo ansixiyay dib u eegis lagu sameeyo sharcigga la dagaalanka burcad-badeedka.

Published: January 23, 2020

Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975 ayay Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya meel mariyeen in dib-u-eegis lagu sameeyo, Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

kulankaan ayaa sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah oo dawladaha Soomaaliya iyo Rwanda ay gaareen kaas oo ku salaysnaa heshiis duullimaadyada la xiriira iyo heshiis kale oo isna la xiriiray is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *