ICJ oo maanta go'aan ka gaaraysa xasuuqqa Muslimiinta Myanmar

Published: January 23, 2020

Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Myanmar .

Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas.

Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta.

Inta badan warbaahinta dalkaasi ayaanan ka hadlayn sida ay u arkaan go’aanka kasoo bixi doono maxkamada iyo sida uu dalkooda u saamayn doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *