Lafta gareen oo kulamo ka bilaabay Nairobi

Published: January 23, 2020

Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Safar ku jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Kulan la Qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo hay’addaha Soomaaliya Ka caawiya Mashaariicda Hormarineed.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa  waxaa uu hay’adaha kala hadlay Sidii Koonfur Galbeed ay qeyb uga Noqon lahayd Mashaariicda ay ka wado soomaaliya.

Qaar kamid ah Madaxda Hay’addaha ayaa Madaxweynaha Ka Dhageystay Qorshahooda 4 Sano Mashaariicda ay doonayaan inay ka Fuliyaan gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sidoo kale  madaxda kala hadlay Kordhinta Mashariicda si Bulshada  Koonfur Galbeed ay u helaan Adeegyo Dhamaystiran

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *