Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in gogol dib-u-heshiisiineed laysugu yimaado.

Published: January 23, 2020

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa bulshada galmudug ugu baaqay in ay isugu yimaadaan shir dib u heshiineed, sidoo kalena waxaa uu soo jeediyay in gebi ahaanba la joojiyo doorashada la rabo in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Mr Xaaf ayaa Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad u musuqmaasuqaday liiska odayaasha dhaqanka, sidoo kale xubnaha baarlamaanka ay ka dhigeen ilaaliladooda iyo dareewalooda taas oo ay ku doonayaan in madaxweyne Gal-mudug uga dhigeen wasiir ka tirsanaa xukuumada Khayre.

Sidoo kale Xaaf waxa uu soo dhaweeyay goaanka ay doorashada Dhuusa-mareeb ku qaadaceen culimadda Ahlu-Sunah Wal-jameeca iyo musharxiinta xilka madaxweynaha Galmudug. waxa uuna sidoo kle waxgaradka iyo shacabka ugu baaqayn in midnimadooda ilaashadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *