Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay qodob muhiim ah

Published: January 23, 2020

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay oo Khamiis ahayd yeeshay kulan Todobaadle ah oo inta badan lagu gorfeeyo arrimaha ammaanka, soo celinta bilicda Caasimadda iyo is-dhexgalka Bulshada.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), madaxda Degmooyinka iyo Agaasimayaal ayaa lagu falanqeeyay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga iyo nadaafadda Caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Barnaamij lagu Magacaabo Bulsho Bile oo loogu tala galay is dhex galka Bulshada iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka Shacabka ku dhaqan Caasimadda Dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *