Deni oo Nairobi Kula Kulmay Safiirka Faransiiska

Published: January 24, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee kenaya ayaa la kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo magaalada Nairobi kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *