Ahlu sunna oo DFS uga digtay qaabka ay u wado Dhismaha Galmudug.

Published: January 26, 2020

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uu kaga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ee xiligaan.

Sheekh Maxamed Shaakir waxa uu dul istaagay dhismaha Galmudug iyo culeyska siyaasadeed ee ka dhashay iyo qaabka ay u wajaheyso Dowladda Federaalka.

Madaxa Xukuumadda Galmudug waxa uu Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay afduubatay Geedi socodka Doorashada.

“Waxaa Xusid Mudan in Masiirkii iyo Mustaqbalkii DGGM uu mugdi galay iyadoo dad dano gaar ah ka leh Galmudug aysanna jirin cid kale oo reer Galmudug ah oo ra’yi ku leh arrimaha socda oo aan ka marneyn afduub, musuqmaasuq iyo wax isdaba marin”

ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxa Xukuumadda Galmudug.

“Dowladda Federaalka waa in ay tixgelisaa Talada Waxgaradka iyo saamileyda Siyaasadeed taladaas oo ah soo jeedinta sidii ay wax u hagaagi lahaayeen Galmudug midna loo dhisi lahaa”

sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *