Dowladda Federaalka oo Amar Dul Dhigtay Dadka gadiidka kala iibsanaya.

Published: January 26, 2020

Taliska Hay’adda Nabadsugida degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dadka siyaabaha kala duwan u iibsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Amarkaan oo ka soo baxay taliyaha NISA ee  Guriceel Maxamed Cabdullahi Cabdulle Gaanyaco aya lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gadiidka ay kusoo wargeliyaan lamaha Amniga gaar ahaan NISA si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gadiidka loo adegsado.

Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo gudaha Guriceel ayaa lagu wargelinayaa amarakaan in ay soo ogeysiiyaan lamaha amniga si loga hortago fulinta falalka amniga lidi ku ah wana in warqada kala wareejinta ay ka qaataan Taliska NISA ee Gurceel ayaa lagu yiri warka Taliska NISA ee degmada Gurceel.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *