Shaakir '' Aniga iyo Xaaf DFS ayaa isku kaaya dirtay''

Published: January 27, 2020

Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa DFS ku eedeeyay in ay ka shaqaysay khilaafkii dhexmaray isagga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, si ay u dhisto maamul ay iayddu gacanta ku hayso.

“Dowladda waxay rabtaa annaga oo Ahlusuna ah inay nagala cararto Galmudug oo ay ka dhigto Xaafad ka mid ah Muqdisho, Xaaf iyo Anaga in aan is khilaafno dowladda ayaa ka shaqeysay”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada la soo xulay aysan madax banaaneyn oo la yiri xiriir lama yeelan kartiin Ahlusun ”“Dadka aan xiriirka nala laheyn waa Shabaab, ka yeeli meyno mana laga aqbalayo cid xiriir la leh Shabaab ama Shabaab lagu tuhmayo inay deegaankan madax ka noqoto” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ilaa hadda waxaan xal waara laga gaarin waqtigga laysku raacay in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Musharaxiinta iyo Ahlu-sunah ayaa intuba DFS ku dhaliilaya in ay faragelinayso doorashada Galmudug.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *