Beesha Caalamka oo War- saxafadeed Ka Soo Saartay Khilaafka Doorashada Galmudug

Published: January 28, 2020

War-saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wadamada daneeya arrimaha Somaliya iyo qaramada midoobay ayaa walaac looga muujiyay khilaafka ka soo cusboonaaday dhismaha maamulka Galmudug ee Bartamaha Somaliya.

Beesha caalamku waxay ugu baaqday dhinacyada inay ka qayb qaataan hanaanka lagu dhisayo maamulka Galmudug , islamarkaana ay ka fogaadaan khilaaf keeni kara xasilooni daro.

” Waxaanu ku boorinaynaa Barlamaanka Galmudug, musharixiinta, Ururka Ahlu Sunna, madaxweyne Xaaf, dowladda federaalka iyo saamilayda kale ee Galmudug inay qaataan hanaan loo dhan yahay” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Beesha Caalamku waxay sidoo kale ugu baaqday dhinacyada isku khilaafsan doorashada Galmudug inay sameeyaan Tanaasul iyagoo eegaya danta shacabka Galmudug.

Qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha, Madaxda Ahlu Sunnah iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa ka horyimid qaabka ay u socoto doorashada Galmudug iyagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay la wareegtay doorashada Galmudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *