Musharax Cabdi Dheere '' Kama qaybgalayo doorasho aan loo dhamayn''

Published: January 28, 2020

Musharax Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) ayaa sheegay in uusan ka qaybgalayn doorasho aan loo dhamayn oo ka dhacda Galmudug, Musharaxu waxa uu sidoo kale beeniyay warar sheegaya in uu iska diiwaangeliyay gudigga doorashada Galmudug ee dhawaan la magacaabay.

“Haddaba aniga oo ah Murashax Madaxweyne Galmudug, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi-dheere) waxaan cadeynayaa in aanan isku diiwaangelin kana qaybgelayn doorasho aan loo dhameyn oo aysan wada ogolayn dhammaan saamileyda siyaasadeed ee danaynaysa doorashada Galmugug oo ay ugu horeeyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilalka Madaxweyne iyo ku-xigeenka”ayuu yiri

Musharax Cabdi dheere waxa uu ku dhaliilay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya in ay ku guuldaraysatay qabashada doorasho loo dhanyahay“Waxaan aad uga xumahay in markii lagu guuldareystay in la qabto doorasho loo dhan yahay iyo wax la wada leeyahay in tabar laga dhigtay dacaayad been ah oo bulshada lagu marin habaabiyo si loo helo kalsooni been ah” ayuu yiri Cabdi Dheere.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *