Taliyaha Ciidama Booliska Soomaaliya oo booqday Safaarada Soomaaliya ee Uganda.

Published: January 28, 2020

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Ciidamada Booliiska Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu weheliyo taliye ku xigeenka ciidamada xooga dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa booqasho ku tagay safaarada soomaaliya ee Dalka Uganda.

Taliyaha iyo waftiga la socda ayaa la kulmay Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur iyo shaqaalaha saafarada, safiirka ayaa uga warbixiyay adeegyada ay safaardu bulshada u hayso.

Taliye Xijaar ayaa masuuliyiinta ku bogaadiyay shaqooyinka ay hayaan, waxa uuna kula dardaarmay in laga shaqeeyo safaaradda sidii muuqaalkaada loo sii qurxin lahaa, Waftigaan taliyuhu hogaaminayo ayaa Kampala uga qaybgali doona shirka taliyaasha hay’adaha amniga ee dalalka Afrika

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *