Wasiiro iyo Xildhibaano Booqday Boocame Kadib Ka Bixitaankii Ciidamada Somaliland

Published: January 28, 2020

Magaalada Boocame ee gobolka Sool waxaa shalay booqday wafti ka socda Puntland oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool ka dib markii ay halkaasi ay ka baxeen ciidamo Somaliland oo muddo kooban qabsaday magaaladda

Waftigan oouu hoggaaminayay Wasiirka Duulista iyo Garoomada Puntland Cismaan Xuseen Lugatuur waxaa uu sheegay in socdaalkoodu uu la xiriira u kuur galida xaalada degaanka Baacame.Wasiirku wuxuu been abuur ku tilmaamay in ciidamadii Somaliland ay qabsadeen Magaaladda ka dibna ay ka baxeen.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/3199868753429572/

” degaankan iyo degaanada kale ee Sool waa la ogyahay meesha ay yihiin iyo horumarku meesha uu ka soo gaaro, 30 sanno beesha caalamku waxa ay bixiyaan Hargaysa ayaa lagu cunaa ” ayuu yiri Wasiirku

Wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay degmada Boocame ka dhistay 10 xarumood oo ay ka mid tahay Saldhiga Booliiska iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Waftiga ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka magaaladda Buuhoodle.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *