Golaha Aqalka sare oo soo saaray Qaraar ka dhan ah Heshiiska Qarniga ee Trump

Published: January 29, 2020

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saaray Qaraar ka dhan ah heshiiska qarniga oo caasimada Qudus lagu wareejiyey Israel oo uusaxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo dhammaa 30 Senator.

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisa mudada dheer la sugayay ee ku aadan in Magaalada Qudus ay noqoto Caasimada Israa’iil.

Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *