Jubbaland: Raq iyo Ruux Meel Ha Lagu Sheego Wasiir C/rashiid Janan

Published: January 29, 2020

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay ka Walaacsan yihiin xaalada wasiirkii amniga ee Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur oo dowladda Federaalku sheegtay inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay magaaladda Muqdisho.

Maamulka jubbaland wuxuu ka dalbaday dowladda federaalka inay meel ku sheegaan raq iyo ruuxba wasiirkoodii Amniga mudan C/rashiid Jannan oo ay sheegeen in si sharci darro ah loo afduubay

” Wasiirka waxaa si sharci darro ah u afduubtay dowladda federaalka Somaliya 31 August 2019, isagoo meel sugan oo lagu xiray marna la sheegin,inkastoo xukuumada ku andacootay inuu galay dambiyo aan la cayimin, waxaa ayaan darro ah in mudadaas dheer maxkamad la horgayn” Sidaas waxaa la yiri warsaxafadeed Jubbaland.

Warsaxafadeedka ka soo baxay Jubbaland waxaa kaloo lagu ogaysiiyay shacabka Somaliyeed iyo beesha Caalamka in dowladda federaalku ay qaadi doonto masuuliyada wixii ku dhaca Wasiir Jannan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *