Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo baaq kasoo saaray xaalada Galmudug.

Published: January 29, 2020

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee isku xulaada ah kuwaas oo ka kooban 4 musharax oo kala Abdi Dheere Abdiraxmaan Odawaa, Abdilaahi Weheliye iyo Kamaal Guutaale ayaa markale soo saaray baaq cusub oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee ka taagan taas oo la xiriirta qabsoomidda doorashada Madaxda Galmudug.

Musharaxiinta ayaa waxay ugu baaqeen saamileyda siyaasadeed ee Galmudug in shir degdeg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug, si loo dhiso Galmudug mideysan, sidoo kale Musharaxiintan xulafada ah ee horay u diiday inay ka qeyb galaan doorashada Madaxweynaha ee uu wado Guddiga kala qeybsan ayaa waxay dalbadeen in muddo 15 cisho la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Musharaxiintan ayaa ku baaqay in la tixgeliyo codsiyada saamileyda siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamk, sidoo kale waxay ciidamada kula dardaarmeen in ay dhexdhexaad ka noqdaan arimaha siyaasada.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *