Tirada Musharaxiinta Iska Diiwaangaliyay Doorashada Galmudug oo La Soo Bandhigay-DAAWO

Published: January 29, 2020

Guddiga doorashada madaxweynaha Gal-mudug iyo ku xigeenkiisa oo maanta warbixin siinayay barlamaanka Ayaa sheegay in waqtigii loo qabtay musharaxiinta Madaxtnimada in ay kusoo gudbiyaan codsiyadooda uu dhamaaday.

Xildhibaan Mire Maxamed oo ka tirsan Guddiga doorashada ayaa xildhibaanada u akhriyay magacyada 9 Musharax oo is-diwaangaliyay, kuwaasoo la siiyay shahaadada musharaxnimada, waxaa uu sheegay in 4 Musharax ay u tartamayaan madaxweynaha, halka 5 musharaxna ay u taagan yihiin xilka madaxweyne ku-xigeenka

Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug

  1. Axmed Shire Maxamed
  2. C/laahi Axmed Samatar
  3. C/raxmaan Aadan Samriye
  4. Axmed Cabdi Kaariye

Magacyada Musharixiinta Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

  1. Axmed Yuusuf Warsame (Axmed Taajir)
  2. Cali Daahir Ciid
  3. Saadiq Cabdullaahi Xaashi
  4. C/qani Sheekh Cali Diini
  5. Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey

Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa War-saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxay walaac xoogan ka muujiyay khilaafka ka soo cusboonaaday dhismaha maamulka Galmudug ee Bartamaha Somaliya, waxayna ugu baaqeen in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo isku tanaasul.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *