Barlamaanka oo Guddi Dabagala u Saaray Badeecadaha Ka Yimaada Somaliland

Published: January 30, 2020

Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa guddi ka kooban 5 Xubnood u saaray inay dabagalaan Go’aankii barlamaanka ee la xiriiray joojinta Badeecadaha ka imaanaya Somaliland.

Guddiga joogtada ee Barlamaanka Puntland ayaa u yeeray islamarkaana shir la yeeshay Wasiirka Wasiirada Ganacsiga & Wasiiru Dawlaha & Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dawladda Puntland oo ay wehliyaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyada, Ganacsiga iyo Agaasime ku xigeenka Dakhliga DPL.

Shirka waxaa looga hadlay wixii ka qabsoomay go’aankii Golaha Wakiillada ee summadiisu yahay XGGW/DPL/68/2019 ee 09 -07-2019 kuna saabsanaa Go’aan Golaha Wakiillada ka soo saaray in la joojiyo badeecadaha ku yimaada Weelka ( Containers) ee ka yimaada Maamulka Somaliland, iyo dhammaan badecadaha laga helo gudaha Puntland ee ka soo gala maamulka Soomaaliland lagu soo rogo cashuur dheeri ah, tasoo dhan Boqolkiiba shan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan

Qaar ka mid ah xildhibaanada guddiga joogtada ah oo la hadlay Horseedmedia ayaa sheegay in Wasaaradu ay kor u qaaday cashuuraha laga qaado alaabaha ka imaanaya Somaliland hase yeeshee aan Go’aankii barlamaanku ka soo saaray badeecadaha ka imaanaya Somaliland sidii u ahaa loo wadan fulin.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa dhawaan waxay degaanka Gambara ee gobolka Sool ka hirgalisay Deked Qalalan oo ay ugu talagashay in lagu wareejiyo badeecadaha ka soo dega Dekeda Magaaladda Berbera.

Ganacsatada iyo siyaasiyiinta Puntland qaarkood ayaa welwelsan in Dekeda Qalalan ee laga hirgaliyay Gambara iyo badeecadaha ka imaanaya Somaliland ay saamayn ku yeeshaan Dekeda Bosaso, ganacsiga iyo wax soo saarka warshedaha Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *