Congo: Maleeshiyaad Xasuuq Ka Gaystay Bariga DRC

Published: January 30, 2020

Ugu yaraan 36 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Beni ee Bariga wadanka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Koongo.

Weerarkan oo Arbacadii Shalay dhacay ayaa waxaa la aamisan yahay inay gaysteen Maleeshiyaad Reer Ugandha ah oo lagu magacaabo ADF sida lagu sheegay warsaxafadeed ay soo saareen Hay’ada CEPADHO

” Maleeshiyaadka ADF waxay Fiidnimadii habeenkii Arbacada weerareen Magaalooyinka Manzengi, Mebundu iyo Mayabalo, halkaasi ay ku dileen 36 qof oo shacab, Lix qof kalena ay dhaawac halis ayay gaarsiiyee” Sidaas waxaa lagu yiri war-saxafadeedka ay soo saartay Ha’adda CEPADHO

Guddoomiyaha gobolka Beeni Donat Kibwana ayaa suxufiyiinta u sheegay in Maleeshiyaadku ay dadka guryahooda ku dhex dileen, hantidii iyo xoolahoodiina ay dhaceen

292 Qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Bariga Wadanka Congo Tan iyo markii Ciidamada dowladu ay guluf milateri ku qaadeen Maleeshiyaadka ADF Bishii October ee Sanadkii hore iyagoo dilay mid ka mid ah hoggaamiyaha kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Mouhamed Mukubwa,

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *