Deni: Dowladda Soomaaliya Waa Jiran Tahay-DAAWO

Published: January 30, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo xalay ka qaybgalay xaflad ka dhacday Nairobi ayaa ku ammaanay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya kaalinta ay ka qaataan arrimaha Somaliya

Xafladda soo dhoweynta ah ayaa waxaa soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane, waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

” Dowladii magaca ummada Somaliyeed qaadatay waxaa jiran tahay muddo 30 sanno ah, waxaan qabaa meesha kaliya ee Somalida ku nool gobolka dib looga yagleeli karo ay tahay Kenya”

Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay Guddoomiyaha degmada Gaarisa iyo Xildhibaanada Soomaalida reer kenya sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen magaaladda Nairobi isaga iyo waftigiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *